Home / Cayaaro / Lucas Vazquez “ Waan ku guuleysan karnaa horyaalka La Liga.”

Lucas Vazquez “ Waan ku guuleysan karnaa horyaalka La Liga.”

Himilo FM – Ciyaaryahanka Real Madrid Lucas Vazquez ayaa ku adkeysanaya in kooxdiisa ay weli ku guuleysan karto horyaalka Spain islamarkaana Benzema uu yahay weeraryahanka ugu fiican adduunka.

Xiddiga reer France ayaa labo jeer shabaqa soo taabtay kulankii ay 4-2 kaga badiyeen Espanyol habeenkii Axadda laakiin Madrid ayaa 10 dhibcood ka hooseysa hoggaamiyayaasha horyaalka Barca iyo shan dhibcood oo ay gadaal u fiirinayaan deriskooda  Atletico Madrid.

“Waxaan dooneynaa in aan badino kulan kasta, kaddibna waan arki karnaa waxa dhaca” ayuu Vazquez u sheegay suxufiyiinta, sida uu qoray wargeyska Marca.

“Tani waa Real Madrid, waan dagaalami doonaa illaa iyo dhammaadka, sida aan marwalba u sameyno, kooxaha innaga sarreeya waa laga badin karaa, waxaana dooneynaa in aan ka faa’iideysano taasi.”

Karim Benzema waa weeraryahanka ugu fiican adduunka, wuxuu u shaqeeyaa si aad u adag, wuxuu dhaliyaa goolal, wuxuuna samata bixiyaa kooxdan si aad u badan.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan