Home / Cayaaro / Luis Enrique oo ka hadlay ku laabashada Barcelona

Luis Enrique oo ka hadlay ku laabashada Barcelona

Himilo – Tababarihii hore ee Barcelona Luis Enrique ayaa diiday in uu meesha ka saaro suurtagalnimada in uu ku laaban karo garoonka Camp Nou.

Enrique oo hadda maamula xulka qaranka Spain ayaa kula guuleystay labo koob oo La Liga ah iyo Champions League kooxda reer Catalan intii u dhaxaysay 2014 illaa 2017.

Ninka reer Spain ayaa dhaliyay 109 gool maalmihiisii cayaaraha Barcelona isaga oo immika diiday in uu meesha ka saaro suurtagalnimada in uu ku laaban karo maamulka kooxda.

Isaga oo la hadlayay taageerayaal, Enrique ayaa yiri “Waxaan u maleynayaa in aan maamul ka qaban karo meel kasta oo aan horay u joogay.”

Enrique ayaa dib u billaabay maamulka xulka qaranka Spain bishii November kaddib markii uu isku casilay sababo shaqsiyadeed.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan