Home / Cayaaro / Luka Jovic oo loo bandhigayo Chelsea iyo Tottenham

Luka Jovic oo loo bandhigayo Chelsea iyo Tottenham

Himilo – Real Madrid ayaa la soo warinayaa inay ku farraxsan tahay inay fasaxdo weeraryahankeeda Luka Jovic suuq furanka xagaaga.

Inkasta oo Jovic u diyaar garoobayay in uu ka tago garoonka Bernabeu xagaaga kaddib markii uu ku lug yeeshay keliya labo gool oo La Liga ah haddana laacibka Serbia ayaa ka carreysiiyay maamulka kooxda kaddib markii uu ku laabtay dalkiisa iyada oo uu jiro caabuqa Corona.

Isaga oo jabiyay sharciga dowladda ee la xiriira in qof kasta karantiilo naftiisa, waxay u muuqataa in 22 jirka uusan mustaqbal danbe ku laheyn Los Blancos.

Sida laga soo xigtay The Mirror, Chelsea iyo Tottenham Hotspur ayaa la weydiin doonaa haddii ay doonayaan saxiixa weeraryahanka kahor dhammaadka xagaaga.

Napoli ayaa sidoo kale lala xiriiriyay Jovic iyada oo Real Madrid ku dooneyso laacibka adduun dhan £50 Milyan.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan