Home / Habka-Nolosha / Luka Modric Oo Loo Caleema Saaray Laacibka Sanadka Dalka Crotia.

Luka Modric Oo Loo Caleema Saaray Laacibka Sanadka Dalka Crotia.

Laacibka Qadka dhexe ee naadiga Real Madrid Luka Modric ayaa loo magaacabay laacibka sanadka 2016 ee dalka Crotia.

Codeyn uu sameeyay Wargeyska caanka ah ee ‘Vecernji’ oo abaal marinta bixiya ayaa Luka Modric u doortay laacibka dalka Crotia wuxuuna helay 110-cod,laacibka Barcelona Ivan Rakitic ayaa isagana soo galay booska Labaad isagoo helay 80-dhibcood,halka weeraryahanka naadiga Juventusa Mario Madzukic  uu helay 76-dhibcood.

Geesta kale Modric ayaa kooxda Real Madrid kula guuleystay sanadkii tagay 2016 Uefa Champians League, Uefa Super Cup iyo  Club Fifa World Cup.

Si kastaba Modric ayaa markii 5-aad oo xariir ku guuleystay abaal marintaan, isagoo horey u qaaday sanadihii 2007, 2008, 2011, 2014 iyo 2016.

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan