Home / Habka-Nolosha / Lukaku oo saaxiibadiisa uga mahad-celiyay goolkii taariikhiga ee xulkiisa Biljamka.

Lukaku oo saaxiibadiisa uga mahad-celiyay goolkii taariikhiga ee xulkiisa Biljamka.

Muqdisho – Weeraryahanka Manchester United, Romelu Lukaku ayaa ugu mahad-celiyey dhamaan saaxiibadiisa xulka Belgium oo ka caawiyey in uu jabiyo rikoorka  ciyaaryahanka ugu goolasha badan xulkiisa – 31 gool ayuuna ku noqday kan ugu goolasha badan.

24- jirkan ayaa dhaliyey saddex gool labo kulan oo uu u ciyaaray bishan Red Devils, isaga oo goolka guusha dhaliyey daqiiqaddii 72aad kulankii ay la ciyareen Japan ee ka dhacay Bruges.

Lukaku ayaa haatan ah ciyaaryahanka ugu goolasha badan xulka qarankiisa, isagoo raaciyay wadadii Paul van Himst iyo Bernard Voorhoof, waxaana uu si dhaqso ah ugu mahad celiyay kuwa ku dhow oo uu la matalo funaanadda xulka lagu naaneyso Red Devils.

“Waad mahadsan tihiin dhammaan ciyartoyda aan la ciyaaray ee Belgium,” ayuu ku soo daabacay Twitter-kiisa, dhamaantiin waad i caawiseen tan iyo markii aan ku soo biiray aniga oo 16-jir ah. Waxaan uga mahad-celinayaa qoyskeyga taageerada buuxda.”

Qore: Abdiaziz Adan Urur.

About radio himilo

error: Copy lama Ogola Fadlan