Home / Habka-Nolosha / Lukaku: “Soo noqoshada Ibrahimovic waxay nagu kaalmaynaysaa loolanka Man City ee horyaalka.”

Lukaku: “Soo noqoshada Ibrahimovic waxay nagu kaalmaynaysaa loolanka Man City ee horyaalka.”

Muqdisho – Romelo Lukaku wuxuu sheegay in soo noqoshada laacibka Ibrahimovic ay kooxda Man United ku caawin doonto inay kula loolanto City horyaalka PL.

Lukaku wuxuu safka hore kaga jiray xulka kooxda taniyo bilowgii horyaalka, hayeeshe soo laabashada Ibrahimovic kaas oo xagaagii hore dooqa koobaad ee Mourinho ahaa  waxay la micno tahay inuu waji doono loolan kaltan ku dhisan.

Laacibka Sweden ayaan garoomada soo gelin taniyo bishii April markii uu soo gaaray dhaawac jilibka ah kulankii Anderlecht ee afar dhamaadka koobka Europa League.

Heshiiskiisu wuxuu dhacay dhamaadka xagaagii lasoo dhaafay waxaase dib usoo cusboonaysiiyay macalin Mourinho. Wuxuu qaadan doonaa nambarka 10 oo horay uu u sidan jiray Weyne Rooney.

Lukaku ayaa si kastaba ku niyadsan in soo laabashada laacibka ay fursad fiican u abuurayso naadiga.

 

About radio himilo

error: Copy lama Ogola Fadlan