Himilo – Luke Shaw ayaa qiray in uu la dhacsan yahay saameynta uu Bruno Fernandes ku reebay Manchester United dhowrkii billood ee ugu horreysay.
Fernandes ayaa kaga soo biiray United kooxda Sporting Lisbon heshiis ku kacay qiimo dhan £47 Milyan intii lagu guda jiray suuq furanka bishii Janaayo.
Laacibka reer Portugal ayaa sameeyay bandhig wanaagsan kaddib markii uu si toos ah ugu lug yeeshay toddobo gool sagaalkii kulan ee ugu horreysay oo uu cayaaray.
Shaw ayaa sidoo kale tilmaamay in uu la dhacay tayada hoggaamineed ee Fernandes isaga oo yiri “Arrinta murugta leh waa in uusan halkaasi joogin muddo dheer, laakiin waxa uu la yimid iyo tayada gudaha garoonka iyo qolka lebiska intaba, waxa uu noo yahay hoggaamiye.”