Himilo FM – Luxembourg oo ay ku nool yihiin 602 kun oo qofood islamarkaana lagu tiriyo mid kamid ah wadamada ugu yar Yurub ayaa ka cabanaysa saxmad xooggan oo wadooyinka dalkaasi ka jirta.
Nasiib wanaag, waxay u muuqataa in arrintan wax laga qabanayo iyadoo bishii la soo dhaafay dowladda ku dhawaaqday inay lacag la’aan ka dhigayso gaadiidka dadweynaha sida tareenada iyo gaadiidka kale laga bilaabo bisha Maarso ee sannadka 2020.
Dowladda Luxembourg waxay rumeysan tahay in tallaabadan yareyn doonto ciriiriga iyo saxmadda wadooyinka islamarkaana faa’iido u tahay deegaanka sida uu qabo Dany Frank oo ah afhayeenka wasaaradda howlaha gaadiidka dalkaasi.
Luxembourg waa mid kamid ah dalalka ugu qanisan Yurub iyadoo dalkan uu ugu sarreeyo xagga wadarta wax soo saarka GDP-ga marka loo qeybiyo qof kasta ururka Midowga Yurub oo dhan.
Markaad joogto caasimadda dalkan ee Luxembourg City waxa uu gaari kugu geyn karaa muddo saacad iyo bar ah dalalka Bilgimka, Faransiiska iyo Jarmalka.
Sannadkii 2016, darawalada gaadiidka caasimadda Luxembourg City ayaa ku qaatay 33 saacadood saxmad xooggan oo ka jirtay wadooyinka, waxayna magaaladaasi sidaasi kaga sarro martay magaalooyinka Copenhagen iyo Helsinki marka la eego saxmadda wadooyinka.
buy finasteride 1mg ATTENTION The 500 mg tablet version must not be used under any circumstances by persons with a normal kidney function