Home / Habka-Nolosha / “Ma dhacayso in Messi lala barbar-dhigo Mbappe.”

“Ma dhacayso in Messi lala barbar-dhigo Mbappe.”

Muqdisho – Macalin Pep Guardiola ayaa saadaaliyay haddii laacibka Mpape uu gaari karo heerka laacibka Messi uu ka gaaray kubadda cagta – wuxuuna ka digay in qofna uusan la miis fariisan karin laacibka Argentine.

Guardiola waxay xilli kulul lasoo qaateen Monaco kulanka xagaagii hore Champion League xilligaas oo Mbappe uu katirsanaa kooxda Faransiiska.

Wuxuu dhaliyay 26 gool 46 kulan oo uu saftay isaga oo kooxdiisa ka saaciday inay horyaalka Ligue 1  kaga guuleysato PSG soona gaarto afar-dhamaadka UCL.

Hadda wuxuu dardar fiican kula soo bilowday naadigiisa cusub. Balse taasi kuma dedejin karto Guardiola inuu degdeg wax ku qiimeeyo.

“Mbappe waa laacib da’yar. Waxaana uu ku bilowday tayo fiican,” ayuu yiri.

“Hayeeshe taasi kama dhigna inaan isla barbardhigo isaga iyo Messi.”

“Laacibka reer Argentine wuxuu yeeshay xirfad dhamaystiran, wuxuuna qaatay waqti ku filan. Haddii muddo uu ku jiro garoomada waan qiimeyn karnaa tayadiisa. Balse ilama ahan in dadaalladiisa bilowga ah ay siin karaan waaya’aragnimo ku filan.”

 

 

 

 

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan