Tokyo- Tashada Yanayi oo ah ninka ugu lacagta badan dalka Jabaan ayaa lagu soo waramayaa in uu qasaaray lacag dhan 1.4bilyan oo doolar muddo 24saacdood gudaheeda.
waxa ay arintaasi ka danbeysay markii saamiyadda shirkadiisa oo dharka ka shaqeysa ay hoos u dhaceen.
Saamiyadda shirkadda Yoni Kolo ayaa hoos u dhacay 6.7% 24saacadood gudaheeda, waxayna sabab u noqotay arintaas in Mr Tashada uu lumiyo lacag dhan 1.4bilyan oo doolar.
Qasaarada intaa la’eg ayaa keentay in ninkaasi uu ka hoos maro booskii uu ka fadhiyay liiska dadka ugu lacagta badan adduunka.
waxa uu noqday imika booska 6aad ee liis ay ku jiraan 44 qofood ee caalamka oo dhan ugu qanisan.
Shirkadda uu leeyahay ninka lacagta badan ay ka luntay waxa ay qiil uga dhigtay qasaaradda qabowga daran ee jira oo yareeyay iibsiga dharka qabowga loogu talagalay oo shirkadu ay soo saarto.
Shirkadda dharka ee Tashada uu leeyahay waxaa sanadkii 1984 laga furay magaalada Heroshima ee dalka Jabaan.
Isha: Radiohimilo.so
Qore: Zakariya Xasan Hiraal.