Muqdisho – Munaasabad lagu xusayay maalinta caalamiga ah ee Afka Hooyo oo ay qaban-qaabadeeda hormuud ka ahaayeen Akadeemiyadda Cilmiga, Fanka iyo Suugaanta iyo Akadeemiye-goboleedka af Soomaaliga oo kaashanaya wasaaradda waxbarashada, hiddaha iyo tacliinta sare iyo Golaha Abwaanadda Soomaaliyeed ayaa lagu qabtay hool loogu magac-daray Ali Sugulle oo ku dhex yaal xarunta Akeemiyadda ee magaalada Muqdisho.
Muuqaalka guud ee munaasabadda iyo sida qurux badan ee loo soo agaasimay ayaa diraysay farriin hallaasi ah iyo dhanbaal rajo soo celin u ah af-Soomaaliga oo muddo ku dhow 25 sanadood la’aa hiil iyo kaadirro u istaaga daryeelkiisa.
Kooxda Banadir Band iyo Barbaarta Gaashaaman oo ku labisan dharka hiddaha iyo dhaqanka ayaa munaasabadda kusoo bandhigay ciyaaro suugaaneysan – halka fannaaiinta kooxda Iftin ee wasaaradda waxbarashada ay madasha ka qaadeen heeso u badan guubaabo iyo diirad saaridda ahmiyadda afka hooyo.
Qoraaga Abdiqaadir Nuur Xuseen Maax, oo ah guddoomiyaha Akeemiyadda Cilmiga, Fanka iyo Suugaanta oo ugu horreyn hadalkiisa ku daah-furay munaasadda ayaa tilmaamay dulucda ku aadan xuska maalinta Afka Hooyo.
“Maanta ninbaa hadda kahor igu yiri; wax la xusayo hadaad aragto, waa wax yaraaday, waxa markay badan yihiin; isku filan yihiin iyaga is difaaca,” ayuu yiri Maax. “Baryahan waxaad aragtaan maalinta Afka Hooyo oo la xusayo. Taas waa warwar iyo walaac laga qabo xaggiisa oo dhibaatooyin waaweyn ay ku foolan yihiin.”
Maax ayaa markaas kadib howlaha iyo wax-qabadka Akeemiyadda si kooban isu dultaagay wuxuuna sheegay inay gaareen guulo muuqda taniyo markii ay howlgaleen.
“Waxyaabaha Akadeemiyadu qabatay in yar baan idin kaga soo garoocday, laakiin wax-qabadyadi dhawaan aanu sameynay haddii aan idin xuso waa inaan dib usoo saarnay wargeyska billaha ee Akeedimaydda 25 sano kadib, waxaan baafinnay agabkii iyo hantidii luntay ee taariikhdeenna ku saabsanaa. Waxaan dayac-tirnay xafiisyadii Akadeemiyadda oo maanta lagu howl-galo. Waxaan albaabada u furnay da’yar u baahnaa in loo fududeeyo qoraalka iyo faaf-reebista hal-abuurkooda,” ayuu yiri.
Sidoo kale, marka loo eego guddoomiyaha Akeemiye-goboleedka af Soomaaliga, bunni Maxamed Dahir Afrax oo goobjoog ka ahaa munaasabadda, xuska maalinta caalamiga ah ee Afka Hooyo wuxuu ka dhacayaa 79 dal. Hayeeshe, dadaal dheer oo qaatay muddo sanado ah kadib, waxaa ka jira baraarug afka hooyo ku saabsan oo meelo kala duwan oo ay Soomaalidu ku nooshahay oo maanta laga xusayo.
“Soomaali ahaan, waxay soo bilaabatay waqti dhow in la xuso maalinta Afka Hooyo. Waqti laga joogo 13 sano ayaan ka bilawnay xuska maalinta annaga oo dhowr iyo toban ah magaalada London,” ayuu yiri Afrax. “Nasiib-wanaag, maanta waxaa afka lagu xusayaa meelo badan oo dalka iyo dibaddiisa kamid ah. Ku dhawaad 13 magaalo oo ay Soomaali joogto.”
Guddoomiyaha Golaha Abwaannada Soomaaliyeed, abwaan Maxamud Abdullahi Ciise ‘Singub’ oo dhawaanahanba ahaa bukaan-socod ayaa kamid ah mas’uuliyiintii munaasabadda ka hadashay. In kasta oo uusan ku dheeraan hadalka, hadana wuxuu bixiyay tilmaamayaal dhowr ah oo ay kamid ahayd in akeemiyadda lala garab istaago badbaadinta Afka Hooyo.
“Kolay aad baad u mahadsan tihiin. Runtii waan qiiroodaa markan munaasabaddan oo kale imaado. Waayo waxaa inaga baaba’ay afkii, dabadeedna markaad aragto murti, waxaad leedahay wali waad nooshihiin,” ayuu yiri Singub. “Dhalinyarada akadeemiyadda ku jira ee u istaagay badbaadadiisana waa in lagua garab-galo, waayo mawada karaan kaalmo la’aan.”
Wasiir ku xigeenka wasaaradda wax-barashada, hiddaha iyo tacliinta ee dowladda dhexe, mudane Xaamud Cali Xasan, oo gabagabadii ka hadlay munaasabadda ayaa xusay kaalinta wasaaraddiisy ay ku yeelatay dib u kobcinta iyo taaba-gelinta bandhigyo lagu horumarinayo fanka iyo suugaanta. Hadana wuxuu afka ku tilmaamay dhibane wali u baahan dhowraarin iyo daryeel.
“Wixii dalka ka dhacay 25 sano kahor, afku wuxuu ku xirnaa dhaqaalaha dalka iyo nabad-gelyadiisa. Hadduu dhaqaaluhu baaba’o, afku wuu baaba’ayaa. Haddii isku xirnaanta siyaasadda iyo bulshada ay hallaabto, afku wuu hallaabayaa,” ayuu yiri Xaamud. “Afku wuxuu kamid yahay waxyaabaha ugu horreeya ee dhibaatooba marka ay dhacaan qalalaaso. Waayo muddo badan majirin wasaaradihii iyo xarumihii afka lagu kobcin jiray. “
Helidda manhajkii ku dhignaa afka hooyo iyo in akeemiyadaha iyo bahda warbaahinta ay isla ogaadaan erey-bixinta habboon adeegsigeeda ayaa ah tallaabooyinka ugu mudan ee afku halhaleel ugu baahan yahay.
Balse inta dadaalladaas iyo wixii la halmaalaba ay dhalanayaan, afka hooyo wuxuu dhibane u noqonayaa afafka shisheeye oo ay bulshadiisu ka sara marinayso taas oo liifadda usii gaabinaysa hammigiisa ah inuu cagahiisa dib ugu istaago.
Qore: Zakariya Xasan Maxamed.