Himilo — Saddexda July waa Maalinta Caalamiga ah ee Iskaashatooyinka. Waxaa hal-ku-dheg snnadkan loo qaatay xuskeeda uu yahay Si-wadajir wax ugu dhiska hagaagsan.
Iskaashatooyinka dunida kuu nool waxay hoosta ka xariiqi doonaan tabaha iyo hababka ay ula kulmi karaan baahiyaha ay isku qabaan – muddada lagu jiro xayiraadda xanuunka faafaya ee Covid-19. Isku duubnimada iyo dhabar-adeyga ay ka muujiyaan joogteynta shaqadooda waxay soo kabasho iyo sugnaan u noqon doontaa nolosha dhaqan-dhaqaale ee degaanka.
Qeybaha iyo laamaha caafimaadka, beeraha, wax-soo-saarka, baayac-mushatarka, maaliyadda, guryeynta, shaqooyinka, wax-barashada iyo adeegyada kale ee bulshada ay tiir adag u yihiin iskaashatooyinka. La’aantooduna masuuragasheen in lagu riyoodo ku guuleysiga iyo hiigsiga horumarrada joogtada ah iyo guulihii muuqday ee ina aadan uu ka sameeyey geeddi-socodka taariikhda dhow iyo middii hore.
Sida la qiyaasay, waxaa ka jira hal bilyan oo xunbood oo kamid ah iskaashatooyinka kuwaas oo xoojiya ama qeyb weyn kaga jira laamaha aynu kor ku sheegnay. Waxaana ay isku taagaan taakuleynta iyo dhammeystirta dheelliga iyo goldoloollada muuqda ee shaqooyinka ay wadajirka u hayaan. Waxay isku yihiin billadaye ay isku arkaan iyo gacal sokeeye oo si midaysan u qaabila danwadaagta ka dhaxaysa.
Hadda oo dunidu ay la daala-dhacayso la-tacaalidda iyo xakameynta xanuunka Corona Virus waxay si lamid ah qeybaha ee bulshada wajahayaan xaalad adag.
Maalintani si kastaba waxay ifisaa baahinta sida ina aadan uu ugu baahan yahay joogteynta shaqooyinka ay hayaan iskaashatooyinka ee is-caawinta iyo garab-istaaggida ku saabsan iyada oo loo marayo qeybsiga mas’uuliyadda bulsheed iyo wacyigeeda si loo yareeyo sinnaan la’aanta ka dhex jirta lona abuuro barwaaqo sooran.
Diiwaannadii ugu horreeyey ee taariikhdu qortay waxay sheegayaan in iskaashigu kasoo bilowday Scotland bishii March 14 sannadii 1761. Sanca-yaqaanno ka koobnaa 28 xubnood ayaa la sheegaa inay markii ugu horreysay ku midoobeen sameysashada iskaashi ganacsi waqooyiga England sannadkii 1844.
Taniyo markaas, iskaashatooyinka waxaa loo aqoonsaday laf-dhabarta ururrada iyo ganacsiga meel dhexaadka iyo kuwa soo koraya halkaas oo muwaadiniintu ay si wax-ku-oolnimo leh sare ugu dhigi karaan heerka noloshooda iyaga oo isla mar ahaantaasina xoog muuqda gelinaya dhinacyada dhaqaalaha, bulshada, dhaqanka iyo siyaasadda. Dhaqdhaqaaqyada iskaashatooyinka waxaa sidoo kale loo aqoonsaday tiirarka ay ku taagmaan saamileyda waaweyn duni ahaan iyo qaran ahaan labadaba.
Iskaashatooyinku waxay dhisaan sinaan dibadda ah. Mar haddii ay yihiin midow bulsho waxay xoogga ugu badan geliyaan horumarinta bulshadooda. Isbiirsigoodu wuxuu sahlaa inuu soo saaro bulsho si muuqata wadajir uga howlgalaysa qabashada howlaha horyaalla iyo ka jiba-keenidda iyo xaqiijinta ahdaafta heer qofeed iyo kan qaran intaba.
Aalaaba waxaa loo arkaa kuwo gaar u madax bannaan oo wax isku darsiga iyo wada shaqeynta dhexdooda ka jirta ay xoojinayso dagaalka ka dhanka ah saboonimada, sugitaanka wax soo saarka shaqada iyo dhiirri-gelinta is-dhexgalka bulshada.
Qore: Zaki Hiraale.