Home / Dhaqaale / Maalqabeen amnigiisa lagu bixiyay 20 Milyan oo doolar muddo sannad ah!

Maalqabeen amnigiisa lagu bixiyay 20 Milyan oo doolar muddo sannad ah!

Himilo FM –  Shabakadda Facebook ayaa inka badan 22 Milyan oo doolar waxay ku bixisay sugida amniga qofeed ee Mark Zuckerberg oo ah aas-aasaha shirkadda sannadkii 2018.

Si lamid ah madaxda kale ee hoggaamiya shirkadaha waaweyn ee caalamka, Mark ayaa mushaar ahaan u qaata 1 doolar hase ahaatee waxa uu mag dhaw ahaan u helaa lacag dhan 22.6 Milyan oo doolar oo uu ku bixiyay dhammaan amnigiisa gaarka ah.

Ku dhawaad 20 Milyan oo doolar ayaa si toos ah loogu bixiyay amniga Mark iyo qoyskiisa, waxay lacagta ka badan tahay 9 Milyan oo lagu kharash gareeyay amnigiisa sannadkii 2017.

Waxaa intaa dheer in 2.6 Milyan oo doolar ku baxday diyaaradaha gaarka ah ee aas-aasaha shabakadda xiriirka bulshada ee Facebook.

Iyadoo difaacaysa kharashaadka baxay, shabakadda Facebook ayaa shaacisay in Mark uu lamid yahay shirkadda, sidaa darteed uu la kulmo wax kasta oo la xiriira shirkadda.

Waxaa intaa la raaciyay in kharashka badan ee ku baxaya amnigiisa uu imaanayo xilli ay jiraan fadeexooyin badan oo heysta shirkadda islamarkaana khatar gelinaya Zuckerberg.

Shabakadda Facebook ayaa la kulantay dhaleeceyn badan bishii hore sabab la xiriirta muuqaalkii tooska ahaa ee weerarkii New Zealand oo aysan shirkadda si dhaqso ah uga falcelin.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan