Himilo – Dunida muslimka inta lagu jiro bisha barakeysan ee soon waxaa 50% kordha iibsashada cuntooyinka sida Hilibka, khudaarta, caanaha, iyo kuwa kale.
Waxaase dhanka kale kordha xaddiga cunto ee la khasaariyo, oo sida qiyaasuhu sheegayaan 10,000 oo ton oo cunta ah ayaa si maalinle ah loo beerdareeyaa inta lagu jira bisha Ramadaan.
Waxay taasi ka dhigan tahay inay qiyaastii 15 illaa 25 boqolkiiba cuntooyinka aan soo iibsano amaba aan u diyaarsano soonka ay u dhammaadaan qashin xafidaha.
Marka dhanka kale loo rogana, taasi waxey ka dhigan tahay in seddax meelood meel kamid ah cuntooyinka aan soo iibsano aan khasaarino.
Inkasta oo dalkeenna aanan laga hayn tirakoob sax ah ah, haddana waxaa afaafka hore ee guryaha lagu arkaa cunto bisil oo la daadiyay marka la gaaro bisha soon. Waxaa sidoo kale jira qoysas khasaaratira oo siiya caruurta cunta kasoo harta afurka amaba saxuurta, inkasta oo ay tira yar yihiin marka loo barbardhigo kuwa kale.
Nasiib darro dadkeennu waxey falkaasi ku kacayaan, xilli malaayiin soomaaliyeed ay la’ yihiin wax ay ku moodaan bisha soon, qeybtoodna ay la daalaadhacayaan cunto yari ka dhalatay abaar marisay xoolihii ay ku tiirsanaayeen.
Ma ahan oo kaliya qoysaska ladan kuwa khasaariya cunta, balse waxaa door ka qaata dabaqad waliba oo ka mid ah bulshada, marka laga reebo kuwa saboolka ah.
Tanni waxey degaanka kaga tagtaa wasaq nagu hogaamin karta cawaaqib aanan la mahdin doonin mustaqbalka dhaw.
Si aan kaga fogaano khasaarinta cuntada, khubarada nafaqada iyo faya-dhowrka degaanka ka shaqeeya waxey ku taliyaan in dadka muslimka u dukaameystaan si taxadar leh bisha soon, cuntooyinka ay gadanayaan ay noqon kuwa xilliga dhicitaankoodu dhaweyn.
Muhiim ma aha in miiska afurka amaba saxuurta lagu camiro cuntooyin badan oo kala jaad ah, waxaase habboon in cunatadu noqoto kaliya mid isku dheeli-tiran oo miisaaman.