Home / Habka-Nolosha / Macalin Arsene Wenger: ‘Alexis Sanchez ma ahan mid daalan.’

Macalin Arsene Wenger: ‘Alexis Sanchez ma ahan mid daalan.’

Muqdisho – Arsene Wenger ayaa baddal ku soo galiyay Alexis Sanchez intii lagu jiray kulankii Premier League-ka ee u dhaxeeyay Arsenal iyo Bournemouth 9-kii September, 2017.

Tababaraha Arsenal, Arsene Wenger ayaana beeniyay wararka soo jeedinaya in weeraryahan Alexis Sanchez uu yahay mid daalan isla maraakana aan u ciyaari Karin sidii horay looga bartay.

Tan iyo markii uu dhamaaday Koobka Confederations Cup bilowgii July, Sanchez ayaa kaliya labo kulan u saftay Arsenal, isagoo sidoo kale matalay xulka Chile kulamdii dhawaa ee xulkiisu uu isguugu diyaarinayay usoo bixitaanka koobka aduunka ee ka dhici doona Russia.

Tababarihii hore ee xulka Chile ee ciyaartoyda ka yar da’da 20 jirka, Jose Sulanta ayaa dhaleeceeyay culeyska 28-jirkan, in kasta uu qiray in Sanchez uusan taam aheyn, haddana  Wenger ayaa fogeeyay wararka kasoo baxay Jose Sulantay wuxuuna sheegay in uusan daalaneyn laacibkiisa garabka ka ciyaara.

Macalinkan u dhasahay France ayaa yiri; “Haa, waan la hadlay isaga, wuxuu ii sheegay inuu diiradda saarayo Premier League iyo Europa League, in kasta oo ay ku dhacay natiijo xun kulankii Chile ay lasoo cyaartay Bolivia, haddana waxa uu lasoo laabtay rabitaan buuxa, wuxuuna diyaar u yahay inuu ciyaaro.”

Sanchez ayaa diyaar u ah in uu ciyaaro marka Arsenal ay marti galiso FC Koln tartanka Europa League habeenka Khamiista ah.

Qore: Abdiaziz Adan Urur.

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan