Home / Habka-Nolosha / Macalin Dyche: “Maheli laheyn shaqada Arsenal.”

Macalin Dyche: “Maheli laheyn shaqada Arsenal.”

Muqdisho – Maareeyaha kooxda Burnley Sean Dyche ayaan aaminsaneyn in macalin British ah loo shaqaaleysiin karo badalka Arsen Wenger hadii uu ka tago Arsenal.

Macalinka muddada dheer ku nagaaday Arsenal ee Wenger ayaa mustaqbalkiisu wuxuu ku sugan yahay hubaal la’aan – halkaas oo sidoo kale heshiiskiisu uu ku eg yahay dhamaadka xagaaga.

Waxaana jiray warar si buuxda mar usoo shaac-baxay oo tilmaamayay in Dyche uu badali doono Wenger in kasta oo markii danbe ay noqdeen kutir-ku-teen.

“Waxay ila tahay inay ka fog tahay in la suureysto in macalimiinta English-ka ah ay shaqooyin dhowr ah ka qabtaan horyaalka PL xilligan lagu jiro,” ayuu yiri Dyche. “Laga yaabee in waqtigu wax ka badalo kubadda cagta, hayeeshe hadda ilama ahan in macalimiinta England u dhashay ay helayaan qadarinta ay muteen macalimiinta dhiggooda ah ee u dhashay dalalka kale.”

“Taasi ma ahan kiis weyn; waana dabeecadda hadda lagu sugan yahay.”

“Ka Arsenal ahaan, waxay ila tahay inaan u baahanahay waaya’aragnimo dheeri ah; inay kororto khibradayda maareeya-nimo. Waana mid aan ku taaganahay.”

Dyche ayaa intaas kusii daray: “Waxay ila tahay tani inay tahay dhab. Ma ahan murugo. Baxaalliga ka jira suuqa ayaana sidaas ah.”

“Waxaa xaqiiqdii jira macalimiin British ah oo aad u wanaagsan. Tony Pulis, Sam Allardyce iyo Eddie Howe oo howl-fiican ka haya kooxda Bournemouth ayaana kamid ah.

“Hadana ma u malaynayo in doorkooda loo arko si lamid ah bandhigyada ay sameeyaan macalimiinta kale ee aan UK u dhalan. Mana muuqato hal xagal oo laga wada fiirin karo.”

 

 

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan