Muqdisho – Spurs ayaan hal ciyaaryahan ah lasoo saxiixan xagaagan, arrintan ayaana sababtay shaki ku aadan mustaqbalka kooxda ee sanadkan, waxaana middaas muujiyay laacibka difaaca ka ciyaara ee Danny Rose.
Pochettino ayaa ku adkaysana in kooxdiisa Tottenham ay diyaar ahaan doonto kahor 31 August oo ah maalinta ugu danbeysa ee suuqa kala iibsiga.
Sanchez, waa 21 jir, wuxuuna u dhashay waddanka Colombia isaga oo ugu biray Ajax sanadkii 2016 adduun dhan £3.8 milyan.
Laacibkan reer Holland ayaa ciyaaray kulankii kama danbeysta Europa League markaa oo ay qasaaro kala kulmeen Manchester United bishii May.
Kooxda Spurs ayaa sandkii lasoo dhaafay ku dhamaysatay kaalinta labaad ee horyaalka waxa ayna kamid tahay kooxaha loo saadaalinayo in ay meel wanaagsan gaari doonaan xagaagan.
Abdiaziz Aadan Urur.