Muqdisho – Tababaraha kooxda Atletico Madrid ayaa hal sano ay uga hartay qandaraaskiisa haatan, isaga oo ay u furan tahay doorashada inuu ka tago Europe.
Tababaraha kooxda Atletico Madrid, Diego Simeone marnaba ma xiro doono albaabka – suuragalnimada ah in maalin uun uu tababare ka noqdo Horyaalka Mexico.
Simeone ayaa hal sano ay uga harsan tahay heshiiska uu kula jiro kooxda La Liga isaga oo aan mustaqbalkiisa wali la hubin marka la gaaro 2018.
“Waxaan marnaba la xiri doonin albaabka shaqo kasta maxaa yeelay, waan jeclahay in aan ka shaqeeyo, waxaan jeclahay kubadda cagta oo ma ahan oo kaliya Europe, ma aha oo keliya hal koox, sidaa darteed waxaan mar walba maskaxdayda ay tahay mid furan,” ayuu yiri Simeone ka dib markii kulankii saaxiibtinimo ee Atletico Madrid 0-0 la galeen kualnkii ka dhanka ahaa kooxda Liga MX Deportivo Toluca.
“Waxaan marnaba la xiri doonin albaabka tababarenimo ee Mexico. Kubada Cagtu ma ahan oo kaliya Europe, waxaa jira kubadda cagta adduunka oo dhan sidaa darteed waxaan mar walba u furanahay fikradda ah maaraynta meel kasta oo dunida ah.”
“Horyaalka Mexico waa deegaan weyn, taageerayaasha waa mid aad u xamaasad leh. Waxay ka qayb qaataan waqtiga walban oo ay taageeraan kooxda sidoo kale kulanka hore waxay u malaynayaan in uu aad u fiicnaa.
“Ma ahan wax sahlan inuu u ciyaaro si sare sidoo kale waxaan u malaynayaa in si fiican ay u maareeyeen.”
Waxaa qortay: Hanaa Maxamed Maxamud.