Home / Arrimaha Bulshada / Macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan xanuunka furuqa daanyeerka ‘Mpox’

Macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan xanuunka furuqa daanyeerka ‘Mpox’

Himilo – Hay’adda caafimaadka adduunka ee magaceeda loo soo gaabiyo WHO ayaa sheegtay in cudurka furuqa daanyeerada Mpox uu yahay xaalad degdeg ah oo caafimaad oo dunida oo idil wajahday.

Ku dhawaaqidda hay’adda waxaa ka horreysay xaruunta xakamaynta iyo ka hortagga cudurrada ee Midowga Africa oo dhankeeda tilmaamtay in cudurkan uu yahay halis caafimaad oo ay wajahayso qaaradeenna. Kiisaska cudurka ayaa laga diiwaan galiyay dhowr dal oo ku yaalla qaaradda madow, tani waxa ay keentay walaac ah inuu noqdo cudur isaga gudba xuduudaha, kaddibna caalamka raadeeya.

Agaasimaha hay’adda caafimaadka adduunka Tedros Adhanom ayaa sheegay cudurka inuu abuurayo walaac heer caalami kaas oo hadda si gaar ah uga jira qaaradda Africa ilaa saddex iyo toban dal. Sida ku dhigan xogaha caafimaad ee hay’adda tan iyo billowgii sanadkan waxaa la diiwaan galiyay in ka badan 14 kun oo kiis, halka tirade dadka u dhintay ay kor u dhaaftay 524 qof guud ahaan qaaraddda. Ilaa iyo hadda kiisaska ugu badan ee dhimashada 96% waxaa laga soo weriyay dalka Congo. Saynisyahannada ayaa qaba welwel iyaga oo cuskanaya tusaalayaasha saamaynta xannuunka.

Asal ahaan cudurkan waxaa la ogaaday sanadkii 1957. Waxaa la aaminsan yahay inuu aadanaha uga soo gudbay daanyeer kaddib xiriir dhaw oo ay yeesheen. Sanadkii 2022, ayuu aad u faafay. Waxaa laga diiwaan galiyay in ka badan 70 dal. Astaamaha uu leeyahay waxaa ka mid ah qandho iyo jir xanuun. Meelaha uu ku dhici karo waxaa ka mid ah wejiga, gacmaha iyo xabadka.

Cudurkan ayaa ka mid ah qoyska furuqa. Kiisaska cudurka ayaa kordhay 160% halka dhimashada cudurka ay siyaaday 19%. 10% dadka u dhintay waxay ahaayeen reer Congo gaar ahaan magaalada macdanta ee Goma. Dadka u naf waayay ayaa la sheegay 70$ inay da’ahaan ka hooseeyaan 15 jir. Carruurta ayaa la sheegay inay aad ugu nugul yihiin cudurka.

Hay’adda caafimaadka adduunka ayaa sheegtay in bariga Africa markii ugu horreyay laga soo tabiyay kiisaska cudurka. Dalalka lagu arkay waxaa ka mid ah Burundi, Kenya, Rwanda iyo Uganda. Mr Tedro ayaa arrintan walaac ka muujiyay.

Hay’adaha caafimaadka ee dalalka Ivory Coast iyo South Africa, ayaa soo weriyay kiisaska cudurka nooc ka halis yar midkii sanadkii 2022. WHO ayaa sheegtay in loo baahan yahay in tallaabo dedeg ah la qaado. Sanadkii 2022 markii cudurkan uu ku fiday dunida, dalalka horumaray waxay dadkooda kula dagaalameen tallaal balse badi dalalka Africa ma aysan helin.

Khubarrada ayaa ku talinaya in la helo tallaal xaddigiisu badan yahay oo wada gaari kara dadka ku nool deegannada uu cudurku ka jira hadda. Balse waxaa looo baahn yahay dhaqaale  fududeeya. Xafiiska xaaladaha degdegga ah ee hay’adda caafimaadka adduunka ayaa qoondeeyay 1.45 milyan oo looga jawaabayo kiisaska cudurka ee Africa balse waxay sheegtay hay’adduu in loo baahanh yahay $15 million.

About Himilo Radio

error: Copy lama Ogola Fadlan