Home / Habka-Nolosha / Macluumaad ku saabsan 10-ka dal ee ugu isticmaalka badan qaxwada

Macluumaad ku saabsan 10-ka dal ee ugu isticmaalka badan qaxwada

Himilo – Asal ahaan, qaxwada ayaa la tilmaamaa inay ka soo bilaabatay Yeman qarnigii 15aad iyadoo intaa kaddib ku faaftay caalamka intiisa kale. Waxaa xiiseeya dad badan oo si maalinle ah u joogteeya. Haddaba bogga Worldatlas ayaa qoray 10-ka dal ee ugu isticmaalka badan qaxwada;

1- Finland

Inta badan dadka reer Finland ayaa isticmaala qaxwada maalintii oo dhan. Shaqaalaha ayaa codsada in fursad loo siiyo wakhti ay ku cabbaan qaxwada. Qofkii reer Finland ah ayaa isticmaala ku dhawaad 12 kg oo qaxwo ah.

2- Norway

Qofka ku nool dalkan ayaa isticmaala 9.9 kg oo qaxwo ah. Billowgii qarnigii 18aad ayay gaartay dadka qaniga ah ee dalka laakiin waxay mar danbe ku faaftay dabaqyada kale.

3- Iceland

Muwaadinka u dhashay dalkan ayaa qaata ku dhawaad 5 koob oo qaxwo ah maalin kasta iyadoo baararka diyaariyaan nuucyada kala duwan ee qaxwada.

4- Denmark

Qofka u dhashay dalkan ayaa u baahan koob qaxwo ah markasta oo uu cunto qaadanayo. Inkastoo ascaarta qaxwada sarreyso gudaha Denmark haddana dadka dalka kama aysan reebin inay cabbaan qaxwada.

5-Holland

Waxaa lagu tiriyaa dadka Holland kuwii ugu horreeyay reer Yurub ee geedaha qaxwada ka barta Yeman. Qofka u dhashay dalka ayaa isticmaala 8.4 kg oo qaxwo ah.

6- Sweden

Qaxwada keliya kama aha cabitaan dalkan balse waa hab-nololeed. Waxaa caan ka ah in qaxwada lagu cabbo kackaca.

7- Switzerland

Qaxwada ayaa leh shacbiyad weyn marka la joogo dalkan. Nuuca laga isticmaalo waxay tilmaamo wadaagaan tan dalka Mareykanka.

8- Belgium

Muwaadinka u dhashay dalkan ayaa isticmaala 1.35 koob oo qaxwo ah maalintii. Inta badan Rwanda iyo Congo ayaa laga keenaa qaxwada laga isticmaalo dalka.

9- Luxembourg:

Dadka deggan dalkan yar ayaa si maalinle ah u isticmaala qaxwada. Waxa uu la gaaroobay diyaarinta nuucyo badan oo cabitaankan ah.

10- Canada

Shacbiyad weyn ayay leedahay qaxwada oo ay xiiseeyaan inta badan dadka dalkan oo tiradooda gaareyso 33 Milyan. Goob kasta ayaa laga heli karaa qaxwo laakiin dadka ayaaba ku diyaarsada xaafadaha.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan