Home / Deegaan / Macluumaadka ay tahay in aad ka ogaato Jabaan

Macluumaadka ay tahay in aad ka ogaato Jabaan

Himilo – Dalka Jaziiradda ah ee dhaca bariga fog ee Asiya waxay dadkiisu ugu yeeraan dhulkii Qorrax-sinka—mana ahan dal kale waa JAPAN.

Dalka Japan waa isu-geynta dhuloobid ee tiro jaziirado ah oo gaaraya 6852 halkaas oo afarta ugu waaweyn lagu kala magacaabo  Honshu, Hokkaido, Kyushu, iyo Shikoku kuwaas oo ku fadhiya 97% dhul-weynaha JAPAN.

126 malyuun oo ku nool JAPAN waxay ka dhigan tahay inay yihiin bulshada tobnaad ee ugu badan dunida. Celcelis ahaan, Tokyo oo ah caasimadda JAPAN waxaa ku nool wax ka badan 9 malyuun oo qof.

Raad-raac cilmiyeysan ayaa qeexa in JAPAN ay faracneyd sida hiiran ee ugu dhaw xilligii Paleolithic-gii sare. Qarnigii 11-aad ilaa 1856, JAPAN waxaa maamuli jiray boqor hab-nololeedkii Galbeedka ee casriga dhexe ku hoggaaminayey. Qarniyadii 19aad  iyo 20aad, JAPAN iyada oo ku maamulan hannaanka hoggaamineed ee boqortooyo-nimada awoodaheeda ku ballaarisay dacallada bariga Asia ilaa laga yimaado dagaalladii koobaad eek ii labaad.

Iyada oo kamid aheyd dhinac-yadii la xulufka ahaa Jarmalka iyo Talyaaniga, JAPAN waxay ku jabtay dagaalkii labaad. Qumbulado nugliyeer ah oo lagu riday magaalolyinka Hiroshima iyo Nagosaki oo ay ku dhinteen dad ku dhow 140,000 ayaa soo af-meeray dagaalkii labaad.

Balse waxa la yaabka leh ee JAPAN ay ku dhaqaaqday ayaa ah inay wax ka yar 25-sano oo ku beegan 70-meeyadii ay noqotay dalka labaad ee ugu sarreeya dunida dhaqaale ahaan.

Wixii ugu haray hantidoodii iyo howl-adag oo ay isku dhiibeen ayaa JAPAN ka dhigtay dal—isaga oo aan laheyn kheyraad badan oo dabiici ah—dunida ka galay dalalka ugu qaalisan uguna tanaadsan.

Xittaa in—Maraykanku gumaaday oo uu saameynta uu ku dhigay wali laga heli karo raadadkiisa, JAPAANIISKU wax walba waxaa kala weynaaday sida haddii la kufo durba loo kici karo. Taas oo iyadna sida ay usoo kabsadeen dunida tusaale uga dhigan.

Hadda JAPAN waa dal dhinac walba iskaga filnaaday. Waana dal ay dunida Galbeedku ku sifeeyaan meere kamid ah meerayaasha dunida oo uu ka weyn yahay wax lagu hal-qabsado dal ku yaalla dhulka aynu saarannahay. Taas waa markii ay arkeen sida huban ee aysan ula baratami karin wax-soo-saarkiisa.

Hayeeshe, ha walwalin! Wax walba oo ay horumar ka gaareen, ma ahan wax nus-qarni ku qaadaneysa dal—sida Soomaaliya oo kale ah ay ku adag tahay.

Mid kamid ah waxyaalaha JAPAN ay ku horumartay waa dalxiiska iyo deegaan qurux-sanaanta taas oo saameynta caafimaad ee bulshada iyo dakhliga shisheeye ee dalxiisayaasha faa’iido badan ugu fadhida dowladda JAPAN.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan