Madaxa fulinta Inter Milan oo ka hadlay mustaqbalka Lautaro Martinez

Himilo – Madaxa fulinta Inter Milan Giuseppe Marotta ayaa xaqiijiyay in Barcelona kamid tahay kooxaha xiiseynaya Lautaro Martinez kahor suuq furanka xagaaga.

Barcelona ayaa u aragta cayaaryahanka reer Argentine beddalka Luis Suarez iyada oo si weyn loola xiriiriyay laacibka bilihii ugu danbeeyay.

Marotta ayaa xusay in kooxo badan isha ku hayaan wararka ku saabsan mustaqbalka weeraryahanka laakiin ninka madaxda ka ah Inter Milan ayaa ku kalsoon in Martinez uu sii joogi doono Talyaaniga illaa xagaaga.

Isaga oo la hadlyay Sky Sport Italia, Marotta ayaa ayaa yiri “kooxo badan ayaa diiradda saaraya  Lautaro Martinez, cid kasta way ogtahay taasi.”

Martinez ayaa dhaliyay 17 gool dhammaan tartamada oo idil.

Hot this week

Ogow 10 xiddig oo soo maray academy-ga Man Utd oo wanagsanaaday markii ay ka tageen Old Trafford

Himilo – Manchester United waa mid ka mid ah...

What direction to go When You Obtain a Mail Order Bride?

You may have under no circumstances heard of...

Ciidamada Iiraan oo ballanqaaday difaaca danaha qaranka, kaddib taageerada Mareykanka ee dibadbaxayaasha

Himilo - Ciidamada Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan ayaa...

Muxuu u jareynayaa qofka marka uu baqo?

Himilo - Natiijadda daraasad cilmiyeed oo ay sameeyeen baarayaal katirsan...

Mareykanka oo hakiyay gargaarkii uu siin jiray Soomaaliya kaddib eedeyn la xiriirta dhaca gargaar cunto

Himilo - Dowladda Mareykanka ayaa hakisay dhammaan gargaarkii ay...

Related Articles

Popular Categories

error: Copy lama Ogola Fadlan