Himilo – Madaxa fulinta Inter Milan Giuseppe Marotta ayaa xaqiijiyay in Barcelona kamid tahay kooxaha xiiseynaya Lautaro Martinez kahor suuq furanka xagaaga.
Barcelona ayaa u aragta cayaaryahanka reer Argentine beddalka Luis Suarez iyada oo si weyn loola xiriiriyay laacibka bilihii ugu danbeeyay.
Marotta ayaa xusay in kooxo badan isha ku hayaan wararka ku saabsan mustaqbalka weeraryahanka laakiin ninka madaxda ka ah Inter Milan ayaa ku kalsoon in Martinez uu sii joogi doono Talyaaniga illaa xagaaga.
Isaga oo la hadlyay Sky Sport Italia, Marotta ayaa ayaa yiri “kooxo badan ayaa diiradda saaraya Lautaro Martinez, cid kasta way ogtahay taasi.”
Martinez ayaa dhaliyay 17 gool dhammaan tartamada oo idil.