Himilo FM –Madaxweynaha La Liga Javier Tebas ayaa biyo qabow ku shubay wararka sheegaya in uu ka tagi karo booskiisa shaqo ee La Liga si uu ugu biiro Premier League.
Wargeyska The Times ayaa Isbuucii la soo dhaafay waxa uu sheegay in hoggaamiyaha Isbaanishka uu yahay shaqsi u sharraxan inuu beddelo Richard Scudamore oo ah madaxa fulinta Premier League.
“Wanaageyga halkan Spain ayuu yaallaa, mana doonayo in aan ka hadlo wax kale,” ayuu Tebas ku sheegay wareysi uu siiyay Diario AS.
La Liga ayaa soo saartay hadal ay ku sheegeyso in xiriirka ka dhaxeeya maamulka iyo Tebas uu yahay mid wanaagsan waxayna beeniyeen inay macquul tahay in uu ka dhaqaaqo shaqadan.