Home / Cayaaro / Madaxa Juventus “Gonzalo Higuain kuma biirayo Chelsea.”

Madaxa Juventus “Gonzalo Higuain kuma biirayo Chelsea.”


Himilo FM – Agaasimaha Isboortiga Juventus Fabio Paratici ayaa sheegay in Gonzalo Higuain uu ammaah ku joogayo AC Milan qeybtii labaad ee xilli ciyaareedkan inkastoo ay xiiseyneyso Chelsea.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Argentina ayaa dhawaan bartilmaameed u ahaa kooxda Blues kuwaasoo doonaya inay sii xoojiyaan weerarkooda, sababo la xariira  walaac ay ka qabaan Olivier Giroud iyo Alvaro Morata.

Higuain ayaa ku faraxsanaa maareynta Maurizio Sarri ee waayihiisii Napoli, waxaana uu u muuqday inuu ku biirayo Stamford Bridge bishan laakiin 31 jirkan ayaa u muuqda inuu sii joogayo San Siro ugu yaraan lixda billood ee soo socota.

Inkastoo uu kaliya lix jeer shabaqa gaaray 15 kulan oo Serie A ah xilli ciyaareedkan, Milan ayaan dooneynin inay weeraryahankaan  dib ugu celiso kooxda iskaleh ee Juventus, taasoo Chelsea ku qasbeysa inay fiiriso meelo kale.

“Waxa uu ku jiraa mid ka mid ah weeraryahanada ugu fiican adduunka – wuxuu uu isku muujiyay  xilli ciyaareedyadan Europe, Paratici ayaa sidaasi kasoo xigatay London Evening Standard.

“Mustaqbalkiisa, waxaan u maleynayaa inuu muhiim u yahay AC Milan, waa weeraryahan weyn, waxay doonayaan  inay  sii haystaan.”

Higuain ayaa soo gabagabeeyay 9 kulan oo uusan gool dhalin isagoo ka baxay abaarta gool dhalineed kulankii ay 2-1 kaga badiyeen SPAL todobaadkii hore.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan