Himilo – Madaxda Arsenal iyo Barcelona ayaa kulmi doona berrito inta lagu guda jiro kulamada saaxiibtinimo ee xilli ciyaareedka soo socda loogu diyaar garoobayo, waxaana ay kawada hadli doonaan heshiiska ammaahda ee Philippe Coutinho.
Kooxda Arsenal ayaa qarka u saaran inay Axadda kula ciyaarto kooxda Barcelona garoonka Camp Nou kulanka xiisaha leh ee Joan Gamper Trophy.
Garoonka, madaxa kubada cagta ee Gunners Raul Sanllehi ayaa joogi doona kulankaas, waxaana lagu wadaa inuu la kulmo dhiggiisa Barcelona. Iyadoo laga wada hadlayo heshiiska Philippe Coutinho ,waxaa la sheegayaa in Sanllehi uu u muuqan karo inuu sugo heshiis lama filaan ah.
Jariirada Sport ee ka soo baxda Spain ayaa sheegaysa in kooxda Barcelona ay diyaar u tahay inay ammaah ugu dirto xiddiga reer Brazil Premier League.
Barcelona ayaa dooneysa inay iska iibiso ciyaaryahanka khadka dhexe, kaasoo qiimihiisu ahaa 143 milyan ginni 18 billood ka hor, ka dib markii uu ku guul darreystay inuu saameyn weyn ku yeesho.
Arsenal ayaa la ciyaari doonta Barcelona 7-da galabnimo (GMT) berri halka Coutinho uu u ciyaari karo kooxda martida loo yahay.