Home / Arrimaha Bulshada / Madaxda Caalamka ee u hambalyeeyay Erdogan

Madaxda Caalamka ee u hambalyeeyay Erdogan

Madaxweyne  Xasan Sheekh Maxamuud ayaa noqday Madaxweynihii u horeeyey dalalka Afrika oo u hambalyeeyo Madaxweynaha dalka Turkiye,  Rajab Dayib Erdoğan.

Qoraal la soo dhigay Baraha Bulshada ayuu waxa uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku yiri: “Waxay markhaati run ah u tahay Hoggaamintaada weyn. Sidaas oo ay tahay waxaan ku biiray Balaayiinta Adduun-weynaha ee idinkugu soo ducaysay Adiga iyo Shacabka Türkiye si Guushan loo xaqiijiyo”.

Twitter-ka Xafiiska Madaxweynaba waxaa kaloo la soo dhigay: “Hambalyo Walaalaha iyo Saaxiibada Türkiye”.

Dhinaca kale, Hoggaamiyayaal Afrikaan ayaa iyagana Madaxweyne Erdoğan ugu hambalyeysay Dib-u-doorashadiisa, waxaana ka mid ah:

¤ Madaxweynaha dalka Masar, C/Fataax Saciid Xuseen Khaliil Elsisi

¤ Madaxweynaha dalka Algeria,  C/Majiid Tebboune,

¤ Madaxweynaha dalka Zambia,  Hakainde Hichilema,

¤ Madaxweynaha dalka Senegal,  Macky Sall,

¤ Madaxweynaha dalka Guinea-Bissau  (Gini Bissaw), Umaro Sissoco Embalo,

¤ Madaxweynaha KMG ee dalka Chad,  Mohamed Idriss Deby Itno,

¤ Ra’isul-wasaaraha dalka Libya, C/Xamiid Dbeibeh

Inta badan Madaxda dalalka Caalamka ayaa Madaxweyne rajab Dayib Erdoğan ugu hambalyeysay Dib-u-Doorashadiisa ee Madaxweynaha dalka Türkiye.

MARAYKANKA:

Madaxweynaha dalka Maraykanka, Joe Biden waxa uu Erdoğan ugu hambalyeeyey Qoraal uu soo dhigay Bartiisa Twitter-ka.

“Hambalyo ku socota Madaxweyne Rajab Dayib Erdoğan  ee Dib-u-soo-doorashadiisa. Waxaan horey u sii eegayaa inaan sii wadno inaan si wadajir ah u shaqayno, oo nahay Isbahaysiga NATO ee Arrimaha labada dhinac  iyo inaan wadaagno Caqabadaha Caalamiga ” ayuu Biden ku yiri Qoraalka uu soo dhigay Bartiisa Twitter-ka.

RAASHIYA:

Madaxweynaha dalka Raashiya,  Vladimir Putin ayaa isagana u hambalyeeyey Madaxweyne Erdoğan, sida lagu sheegay Hadal-qoraal Hadal-qoraal ka soo baxay Aqalka Kremlinka ee Raashiya looga taliyo.

Putin waxa uu ku bogaadiyey Kaalinta Erdoğan ka qaadanayo Xoojinta saaxiibtinimada labada dal, iyo inay Dowladda Raashiya ka go’an tahay in la sii ambaqaado Wada-hadal kasta oo wax-ku-ool ah ee Ajendayaasha Labo Geesoodka, kuwa Mandiqada iyo Guud ahaan Caalamka.

UK:

Ra’isul-wasaaraha dalka Britain, Rishi Sunak ayaa isagana bogaadiyey Madaxweyne Erdoğan, wuxuuna yiri: “Waxaan sii rajeynayaa inaan horey u sii wadno Iskaashiga Xoogan ee ka dhexeeya Labadeena Waddan”.

QM

Xoghayaha Guud ee QM,  Antonio Guterres ayaa isagana bogaadiyey, sida lagu sheegay Hadal-qoraal oo uu soo saaray Afhayeenkiisa.

Qoraalka waxaa lagu xusay inuu Antonio Guterres sii jaleecayo Xoojin dheeraad ee Iskaashiga u dhexeeya Dowladda Turkiye iyo QM.

HUNGARY

Ra’isul-wasaaraha dalka Hungary,  Victor Orban waxa uu isagana Qoraal u diray Madaxweyne Erdoğan,  isagoo bogaadiyey Guusha Doorashada uusan shakiga ku jirin.

FRANCE:

Madaxweynaha dalka Faransiiska,  Emmanuel Macron waxa uu hambalyeeyey Dib-u-Doorashada Madaxweynaha dalka Türkiye, Rajab Dayib Erdoğan.

Macron waxa uu dhambaalkiisa ku yiri: “Waxaan si wadajir ah u sii wadi doonaa Iskaashiga labadeena dal.

Sidoo kale waxaa Madaxweyne Erdoğan Erdoğan soo hambalyeeyey Madax ay ka mid yihiin: RW Jarmalka,  Olaf Scholz,  Xoghayaha Guud ee Isbahaysiga NATO,  Jens Stoltenberg,  Madaxa Guddiga Europe,  Ursula von der Leyen.

Madaxweyne Erdoğan waxa kale oo u soo hambalyeeyey Guushiisa Doorashada:

Madaxweynaha dalka Ukraine,  Volodymyr Zelenskyy, Madaxweynaha Maamulka Falastiin,  Maxamuud Cabaas Abu Maasim iyo RW Maxamed Shatayeh,  Madaxweynaha Israel,  Isaac Herzog, RW Pakistan,  Shehbaz Sharif iyo madax kale.

About Himilo Radio

error: Copy lama Ogola Fadlan