Home / Habka-Nolosha / Madaxwaynaha kooxda Bayern Munich oo ka hadlay qandraas kordinta Arjen Robben.

Madaxwaynaha kooxda Bayern Munich oo ka hadlay qandraas kordinta Arjen Robben.

Madaxwaynaha kooxda Bayern Munich ee Karl-Heinz Rummenigge ayaa ka hadlay mustaqbalka laacibka reer Netherlands ee Arjen Robben.

 

Madaxwayne Karl-Heinz Rummenigge ayaa sheegay in Robben isbuucyada soo aadan gudohooda heshiiska  kordhin loo sameyn doono isla markaana uu kooxda la sii joogi doono waqti kale.

“Wadahadalo ayaan kula jirnaa wakiilka ciyaaryahanka Robben oo ah oo ah aabihiis, wuxuuna inagala hadlay in laacibku uu doonayo in dib loogu dhigo wadahadalada heshiis kordhinta ilaa in ta la gaarayo ciida  Christmas-ka.”

“Waxaan rumaysanahay inuu doonayo inuu heshiiska noo kordhiyo, Robben Bayern Munich ayuu u ciyaari doonaa sanadka dambe”. sidaas waxaa yiri Karl-Heinz Rummenigge.

Sidaas oo kale laacibkan garabka ka duula ee  Robben oo la hadlay saxaafada ayaa sheegay in wakiilkiisa uu la fariisan doono Rummenigge si ay uga wadahadlaan arimaha heshiis kordhinta.

Robben waxaa wakiil u ah aabihiis waxa uuna sheegay isaga oo saxaafadda  la hadlayay “Aabaheey diyaar ayuu u yahay inuu ka hadlo heshiis kordhintan, wuxuu doonayaa in uu shaah la cabbo Rummenigge, lagayaabee in wax walba ay soo idlaadaan fadhiga koowaad, arinku aad uma cusla” ayuu u sheegay saxaafaddda Robben.”

Robben ayaa ah laacib ay aad u jecelyihiin taageerayaasha Bayern Munich iyo waliba taageerayaasha xulka Holland walibana waa kabtanka hadda hogaamiya xulka qaranka Holland.

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan