Home / Macluumaad / Magaalada Herne oo lagu soo rogay xaalad deg deg ah sabab la xiriirta mas

Magaalada Herne oo lagu soo rogay xaalad deg deg ah sabab la xiriirta mas

Himilo –Magaalada Herne ee dalka Jarmalka ayaa looga dhawaaqay xaalad deg deg ah iyadoo dadka lagu amray inay xertaan daaqadaha kana fogaadaan goobaha cowska badan.

Tani waxay ka danbeysay markii mas nuuca kobraha ah la waayay tan iyo maalintii Axadda ee ina dhaaftay.

Dadka deggan dhismo ka agdhaw halkii ugu danbeysay ee lagu arkay maska ayaa laga saaray deeganadooda, waxaana dadka deegaanka lagu amray inay xertaan daaqadaha iyo albaabada.

Yohanis Chozeik oo kamid ah mas’uuliyiinta magaalada Herne ayaa u sheegay warbaahinta in maska loo maleynayo in uu ku jiro dhismo.

Waxa uu intaa raaciyay “Waxaan qaadanay go’aan ah in aan xoojino tallaabooyinka ammaanka iyo in aan la furin dhismayaasha looga shaki qabo maska.”

Maamulka magaalada dhacda Jarmalka ayaa sidoo kale qabtay 20 mas oo laga qaaday milkiilaha maska nuuciisu yahay Kobraha ee la la’yahay.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan