Home / Habka-Nolosha / Magaalada Manchester oo daah fureysa bankigii ugu horreeyay ee lagu keydiyo timaha

Magaalada Manchester oo daah fureysa bankigii ugu horreeyay ee lagu keydiyo timaha

Himilo- Si looga hortago daadashada timaha, magaalada Manchester ee dalka Ingiriiska ayaa fureysa bankigii ugu horreeyay ee lagu keydiyo timaha caalamka oo dhan.

Bankiga ayaa la dhigayaa timaha dadka ka baqdin qaba bidaarta iyadoo unugyada waaweyn lagu ilaalinayo qalab si mar danbe loo soo celiyo.

Ku dhawaad 6.5 Milyan qofood oo u dhashay Ingiriiska ayaa ka cabanaya bidaarta, waxaana xalka u furan uu yahay inay adeegsadaan dawooyin leh raad aan wanaagsaneyn iyo in loo beero timaha.

Bishii August ee tagtay, dhaqtarka qaliinka Bassam Vargo oo ah agaasimaha bankiga ayaa dhigay xarunta timo loo qaadanayo tusaale oo laga qaaday rag doonaya inay ilaashadaan timaha mustaqbalka.

Hannaan dheer ayaa la marsiinayaa timaha la dhigayo bankiga. Howsha ugu muhiimsan ayaa ah ilaalinta unugyada si berri looga faa’iideeyo qofka horay u keydsaday.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan