Home / Arrimaha Bulshada / Magaalo lacag kugu siineysa inaad ku safarto baaskiil

Magaalo lacag kugu siineysa inaad ku safarto baaskiil

Himilo FM –Dowladda hoose ee magaalo dhacda koonfurta Talyaaniga ayaa siinaysa muwaadin kasta lacag dhan 250 Euro oo u dhiganta 283 doolar haddii uu adeegsanayo baaskiil halkii uu raaci lahaa mooto ama gaari.

Tani waxay qeyb ka tahay mashruuc cusub oo dhaqan galaya 25-ka bishan Febraayo islamarkaana looga dan leeyahay in lagu dhiira geliyo isticmaalka baaskiilka.

Magaalada Bari oo katirsan gobalka Puglia ee Talyaaniga ayaa tallaabo horay u qaaday si loo dhiira geliyo nolol caafimaad leh iyo deegaan wanaagsan.

Mashruuca oo cinwaan looga dhigay “ ku wanaagsan deegaanka iyo dhaqdhaqaaqa magaalada” ayaa waxaa qofka heysta baaskiil soo maray gacanta labaad  la siinayaa 100 Euro halka 150 la siinayo dadka heysta baaskiil cuisub sida warbixin lagu sheegay.

Antonio Decaro oo ah guddoomiyaha magaalada ku dhawaaqday mashruuca cusub ayaa sheegay in ujeedkooda uu yahay in la kordhiyo isticmaalka baaskiilada gudaha magaalada muddo sannad gudaheed.

Dadka adeegsada baaskiilka markay ka tagayaan xaafadaha oo ay u socdaalayaan shaqooyinka ama dugsiyada waxaa lacag ahaan loo siinayaa 20%  km kasta halka kuwa u isticmaala arrimo kale leeyihiin 4% km kasta.

Masaafada uu qofka ku safro isaga oo adeegsanaya baaskiil waxaa lagu oggaan doonaa qalab lagu xerayo baaskiilka.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan