Himilo FM – Magaca Maxamed ayaa kamid noqday magacyada ugu badan ee la siiyo carruurta ku dhasha caasimadda Jarmalka ee Berlin.
Sida laga soo xigtay hay’adda afka Jarmalka ee Gfds, carruurta ku dhashay dalka Jarmalka sannadkii 2018 ayaa gaaray 22,177 cunug.
Baaritaan ayaa muujiyay in 280 kamid ah carruurta ku dhashay magaalada Berlin loo bixiyay magaca Maxamed halka magaca Louis uu yimid kaalinta labaad iyadoo kaalinta seddex uu soo galay Emil.
Magaca Maxamed ayaa sidoo kale noqday magaca loogu jecel yahay magaalada Bremen oo dhacda waqooyi galbeed Jarmalka.