Home / Daraasad / Magaca “Maxamed” oo noqday kan loogu jecel yahay Jarmalka

Magaca “Maxamed” oo noqday kan loogu jecel yahay Jarmalka

Himilo FM – Magaca Maxamed ayaa kamid noqday magacyada ugu badan ee la siiyo carruurta ku dhasha caasimadda Jarmalka ee Berlin.

Sida laga soo xigtay hay’adda afka Jarmalka ee Gfds, carruurta ku dhashay dalka Jarmalka sannadkii 2018 ayaa gaaray 22,177 cunug.

Baaritaan ayaa muujiyay in 280 kamid ah carruurta ku dhashay magaalada Berlin loo bixiyay magaca Maxamed halka magaca Louis uu yimid kaalinta labaad iyadoo kaalinta seddex uu soo galay Emil.

Magaca Maxamed ayaa sidoo kale noqday magaca loogu jecel yahay magaalada Bremen oo dhacda waqooyi galbeed Jarmalka.

Dhinaca magacyada gabdhaha, waxaa ugu caansan Marie guud ahaan Jarmalka oo dhan.

About Mahad Mohamed

One comment

  1. will viagra raise my heart rate Impact of a pharmacist driven pharmacovigilance system in a secondary hospital in the Gauteng Province of South Africa

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan