Muqdisho – Xidiggii hore ee Chelsea, Claude Makelele ayaa shaaciyay qadarinta uu u hayo N’Golo Kante – wuxuuse kaga digay in laacibka ay u dhiman tahay waqti kale inuu qaato si isaga loola barbar-dhigo heerka uu taagan yahay.
Kante ayaa ku raaxaystay waqti fiican uu ku qaatay Chelsea – isaga oo kaalin weyn ku lahaa in kooxdu ay ku guuleysato horyaalka PL England. Wuxuu sidoo kale door aan la qiyaasi karin ku lahaa xilli-ciyaareedkii lama ilaawaanka ahaa oo Leicester City ay ku hanatay horyaalka PL 2015-2016.
Marka loo eego Makelele, dhadhanka runta ah ee halganka Kante wuxuu soo bixi doonaa xagaaga soo aadan kolkaas oo kooxdu ay ka qeyb-galayso tartanka UCL.
“Xilligan Kante waa laacib aad u fiican oo mid kamid mashiinnada qadka dhexe ee ka ciyaara horyaalka PL,” ayuu yiri Makelele isaga oo ku sugan Addis Ababa.
“Dhibaatada jirta waa aniga oo 25 sano kusoo joogay xirfadda kubadda cagta in si qaldan la iila barbar-dhigo Kante.”
“Xagaagan dhamaaday muusan ka qeyb-galin tartan UCL. Afartii maalinba waxaa jiri doonta ciyaar.”
“Xulkiisa qaranka waxaa jiri doona kulamo. Wuxuuna u baahan yahay inuu helo waaya’aragnimo badan.”
“Markaas kadib ayuu sameyn doonaa wax ka fiican intii aan sameeyey.”