Himilo- Dalka Malaysia, maxkamad ayaa ku xukuntay nin u dhashay dalkaasi xabsi dhan 34 billood iyo ganaax lacageed kaddib markii uu bisad ku xeray qasaalad.
Ninka ayaa lagu eedeeyay in uu jabiyay sharciga ilaalinta xayawaanada sida ay qortay wakaalada wararka Malaysia ee Bernama.
42 jirka ayaa lagu sii deyn karaa keliya kafaalad iyo in uu bixiyo ganaaxa lacageed ee la saaray oo gaaraya 9700 doolar.
Waxa uu noqonayaa qofkii labaad ee loo maxkamadeeyo dilka xayawaan, waxaa goor sii horreysay dacwad lagu oogay darawal loo xukumay dhacdo nuucaan oo kale ah.
Danbiga ninka aan la magac dhabin ayaa dhaliyay carro xooggan kaddib markii dadka Malaysia daawadeen muuqaal lagu baahiyay Internet-ka oo muujiyay bisadda oo ku naf baxday gudaha qasaalada.
Mid kamid ah dadka ka aragti dhiibtay xukunka maxkamadda ayaa sheegtay inay tani cashar u noqoto qof kasta si uusan si adag ula dhaqmin xayawaanada.