Home / Arrimaha Bulshada / Malaysia : Shaqaale diyaaradeed oo la ceyriyay sabab ku saabsan miisaankeeda

Malaysia : Shaqaale diyaaradeed oo la ceyriyay sabab ku saabsan miisaankeeda

Himilo – Shirkadda duulimaadka diyaaradaha Malaysia ayaa shaqada ka ceyrisay haweenay kamid ah shaqaalaheeda  sabab la xiriirta miisaankeeda.

Inna Melissa ayaa shaqadeeda ku weysay inka yar 500 Garaam oo culeyska jirkeeda ah iyada oo la shaqeynaysay shirkadda muddo 25 sanno ah.

Marka la fiiriyo dhirirkeeda, waxaa la doonayay in miisaanka haweenayda uu noqdo 61kg balse waxay noqotay 61.5 kg, taasi oo jabineysa sharciga cusub ee shirkadda diyaaradaha Malaysia.

Shirkadda duulimaadyada Malaysia ayaa hakad gelisay heshiiska shaqo ee haweenayda sannadkii 2017-ka balse Inna ayaa go’aansatay inay dacwad ku furto.

Bishan Febraayo, maxkamad ku taalla Malaysia ayaa taageertay go’aanka shirkadda, taasi oo ka dhigan in haweenayda looga adkaaday dacwadda.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan