Home / Macluumaad / Maldives oo mamnuucaysa inay dalkeeda soo galaan dadka wata baasaboorka Israa’iil sababo la xiriira dagaalka Gaza

Maldives oo mamnuucaysa inay dalkeeda soo galaan dadka wata baasaboorka Israa’iil sababo la xiriira dagaalka Gaza

Himilo – Dowladda Maldives ayaa shaacisay in aysan ogolaan doonin dadka wata baasaboorka Israa’iil inay dalka soo galaan, sida uu ku dhawaaqay Madaxweynaha dalkaas, Mohamed Muizzu, . Go’aankan ayaa yimid iyadoo laga jawaabayo ololaha milatari ee ay Israa’iil ka waddo Gaza oo ay dowladda Maldives ku tilmaantay mid naxariis darro ah.

Go’aanka ayaa daba socda ansixinta wax-ka-bedelkii saddexaad ee lagu sameeyay Xeerka Socdaalka ee Maldives, kaas oo ay Golaha Shacabka (People’s Majlis) meel mariyeen 15-kii Abriil, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay Xafiiska Madaxweynaha.

Madaxweyne Muizzu oo qoraal ku daabacay bartiisa Facebook ayaa ku sheegay in wax-ka-bedelkan uu yahay “muujin cad oo ka tarjumaysa mowqifkayaga ka dhanka ah xadgudubyada ka socda Falastiin.” Wuxuu intaas ku daray in waddanka Maldives uu “markale caddeynayo taageeradiisa buuxda ee shacabka reer Falastiin.”

Xafiiska Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in wax-ka-bedelka sharciga uu muujinayo go’aanka adag ee dowladda Maldives ay kaga jawaabayso waxa ay ugu yeertay “xasuuqka iyo dambiyada joogtada ah ee Israa’iil ka geysato Falastiin.”

Dowladda Maldives ayaa markale adkaysay inay taageersan tahay in la dhiso dowlad madax-bannaan oo Falastiini ah, taas oo ku saleysan xuduudihii ka horreeyay 1967, iyadoo magaalada Qudus bari loo aqoonsanayo caasimadda Falastiin, si waafaqsan Qaraarada Qaramada Midoobay iyo shuruucda caalamiga ah.

About Himilo Radio

error: Copy lama Ogola Fadlan