Muqdisho – Daafaca dhexe ee kooxda West Brom, Jonny Evans ayaa qarka u saaran in uu bisha January ku biiro midkood kooxaha Manchester City iyo Arsenal, sida ay qortay The Telegraph.
Gunners ayaa lagu soo waramayaa inay 25 milyan ginni ku dalbatay xiddiga reer Northern Ireland 31kii bishii August, iyada oo WBA ay dalbatay 30 milyan ginni.
Laacibkan ayaa horay uga soo ciyaaray garoonka kooxda Man Utd ee Masraxa riyada waxaa la dhowri doonaa haddii uu ku biro mid kamid ah kooxaha ay wada xafiiltamaan naadigii uu kusoo barbaaray.
Laacibkan ayaana sidaan usoo ciyaray wayihiisii kubadda cagta.
2006–2015 Manchester United 131 (4)
2006 → Royal Antwerp (amaah) 11 (2)
2006–2007 → Sunderland (amaah) 18 (1)
2008 → Sunderland (amaah) 15 (0)
2015– West Bromwich Albion 72 (4).
National team
Northern Ireland U16 6 (0)
2004–2005 Northern Ireland U17 8 (1)
2006 Northern Ireland U21 3 (0)
2006– Northern Ireland 67 (2.
Qore: Abdiaziz Adan Urur.