Home / Cayaaro / Inter Milan oo ku soo biirtay tartanka loogu jiro Aubameyang

Inter Milan oo ku soo biirtay tartanka loogu jiro Aubameyang

Himilo – Inter Milan ayaa la soo warinayaa inay ku soo biirtay tartanka loogu jiro cayaaryahanka Arsenal Pierre-Emerick Aubameyang xagaagan.

Mustaqbalka 30 jirka ee garoonka Emirates Stadium ayaa la fallan qeynayay waayadii danbe iyada oo qandaraaska laacibka uu ku egyahay sannadka soo socda.

Tababaraha Arsenal Mikel Arteta ayaa caddeeyay in uu doonayo in Aubameyang uu ku hayo Arsenal balse haddii aan la saxiixin heshiis cusub, Gunners ayaa ku qasban inay lacag ku iibiso laacibka halkii si xur ah looga qaadan lahaa.

30 jirka ayaa si weyn loola xiriiriyay u dhaqaaqista kooxda Barcelona kaddib markii la shaaciyay in Luis Suarez uu dhaawac ku maqnaan doono muddo afar billood ah. Footmercato ayaa soo warineysa in PSG sidoo kale dooneyso saxiixa Aubameyang oo ay ku beddalayaan Cavani.

Warbixinnada ayaa tilmaamaya in kooxda Faransiiska la xiriirtay wakiillada Aubameyang oo ay kala hadleen suurtagalnimada heshiis ammaah ah.

Dhowr jeer oo hore, Arsenal ayaa sheegtay in gooldhaliyahooda ugu sarreeya uusan aheyn iib iyada oo Aubameyang uu xusay in uu sii joogayo Arsenal.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan