Himilo – Manchester City ayaa lagu soo waramayaa inay £80 Milyan ku dooneyso laacibka kooxda Inter Milan, Milan Skriniar Skriniar xagaaga.
Pep Guardiola ayaa la rumeysan yahay in uu xoojin doono daafaca kooxdiisa isaga oo siinaya mudnaan gaar ah kaddib markii Man City la kulantay guuldarrooyin badan sabab la xiriirta bixitaankii Kompany iyo dhaawacii Aymeric Laporte ee xagaagan.
Skriniar ayaa la soo warinayaa in uu yahay bartilmaameedka koowaad ee City. Sida laga soo xigtay The Express, Guardiola ayaa doonaya in uu ku bixiyo cayaaryahanka adduun dhan £80 Milyan.
Man City ayaa ku guuldareysatay dalab ku kacayay £55 Milyan oo ay ku dalbatay Skriniar xagaagii hore balse waxaa la filayaa inay markan kordhiyaan kharashka.
Kooxda ka cayaarta horyaalka Ingiriiska ayaa sidoo kale lala xiriiriyay cayaaryahannada Caglar Soyuncu iyo Nathan Ake.
Skriniar ayaa ka caawiyay kooxda tababare Antonio Conte horyaalkeedii ugu horreeyay ee Serie A tan iyo sannadkii 2010-ka.