Home / Cayaaro / Man City oo dagaal adag kala kulmi karta Real Madrid saxiixa Dybala

Man City oo dagaal adag kala kulmi karta Real Madrid saxiixa Dybala

Himilo FM – Manchester City ayaa tartan adag kala kulmi doonta Real Madrid si ay u la saxiixato Paulo Dybala xagaagaan, sida ay sheegayaan wararku.

The Sun ayaa werisay  in City ay dooneyso u dhaqaaqitaanka xiddiga reer Argentine iyagoo doonaya inay xoojiyaan ciyaartoydooda dhammaadka xilli ciyaareedkan.

Tababaraha City Pep Guardiola ayaa si weyn u xiiseenaya  xiddiga Juventus kaasi oo kamid ah dooqyada weerarka ee ugu wanaagsan kubadda cagta xilligan isaga oo doonayay laacibkan tan iyo xilligiisii Bayern Munich.

Si kastaba ha ahaatee, warbixinta ayaa muujineysa in Real Madrid ay isku diyaarineyso inay lacag badan ku kharashgareyso si ay u xaqiijiso u dhaqaaqista Dybala xagaagan.

Real Madrid ayaa ku dhibtooneysa horyaalka La Liga xilli ciyaareedkan, waxaana lagu soo waramayaa inay isku diyaarineyso inay lacag badan ku kharashgareyso.

Sida ay tilmaameyso warbixinta, Real Madrid ayaa isku diyaarineysa inay 90 Milyan oo ginni ku bixiso adeegga 25 sanno jirkan, halka kooxda City ay u badan tahay inay u baahnaan doonto inay ka kordhiso qiimahaasi haddii ay xiiseynayaan.

About Mahad Mohamed

error: Copy lama Ogola Fadlan