Home / Habka-Nolosha / Man City oo Etihad Stadium ku garaacday Shakhtar.

Man City oo Etihad Stadium ku garaacday Shakhtar.

Muqdisho – Manchester City ayaa Etihad Stadium guul muhiim ah kaga gaartay kooxda Shakhar si ay kooxda Guardiola u sii joogtayso guulihii xidhiidhka ahaa oo ay ku guda-jirtay  tartamada oo dhan.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaana la iska dhalin wax gool ah balse qeybtii danbe waxaa Manchester City guushan ku hoggaamiiyay daqiiqadii 48aad Kevin de Bruyne markii uu meel ka baxsan diilinta ganaaxa kubad caawin uga helay David Silva natiijadana ka dhigay 1–0.

Daqiiqaddii 72aad Sergio Aguero oo rigoore helay ayaa waxaa ka badbaadiyay goolhayaha kooxda Shakhar.

Dhamaadkii ciyaarta daqiiqadii 90aad, Raheem Sterling ayaa kubad qurxoon ka helay Bernardo Silva taas oo keentay in natiijadu ay isku badasho 2 -0.

City ayaa guushii labaad oo xidhiidh ah ka gaadhay Champions Leaque iyada oo lix dhibcood ka heshay labadii kulan ee ugu horreeyay.

Dhinaca kale, Tottenham ayaa 3-0 kusoo garaacday kooxda APOEL si ay Real Madrid ugula tartanto booska kaalinta koobaad waxaana kulankan saddexley ka dhaliyay Harry Kane isaga oo kooxdiisa ka caawiyay in ay kulankii labaad oo xidhiidh ah ee Champions Leaque ay guulaysato.

Dortmund iyo APEOL ayaan wali wax dhibco ah haysan.

FC Porto ayaa 3-0 ku dubatay AS Monaco halka Napoli ay cashar lama ilaawaan ah u dhigtay Feyenoord waxayna  guushan ku gaadhay 3-1.

Qore: Hanaa Maxamud Maxamed.

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan