Himilo –Daafaca kooxda Man City Aymeric Laporte ayaa maray qaliin lagu guuleystay oo jilibka looga sameeyay kaddib dhaawac soo gaaray dhammaadkii isbuuca.
25 jirka daafaca dhexe ayaa dhaawacan soo gaaray intii lagu jiray kulankii Sabtidii ay 4-0 kaga badiyeen Brighton ee ka dhacay Etihad Stadium.
Bayaan ay soo saareen kooxda difaacaneysa Premier League arbacadii ayaa lagu sheegay inay weli sugayaan mudada uu garoomada ka maqnaan doono.
“Aymeric Laporte ayaa lagu sameeyay qaliin jilibka ah ciyaartii sabtidii ay ka badiyeen Brighton,” ayaa lagu yiri bayaanka.
Qaliinka, oo uu Dr. Ramon Cugat ugu sameeyay magaalada Barcelona, waa lagu guuleystay oo saadaal faahfaahsan ayaa la bixin doonaa waqtiga loogu talagalay soo kabashadiisa.
Laporte waxaa dhaawacay xiddiga Brighton ee Adam Webster.
Guardiola ayaa lagu wargaliyay in daafaca reer France inuusan mar kale ciyaari doonin sannadkan 2019 – taasoo la micno ah inay City ku tiirsanaan doonto Fernandinho si ay u daboosho John Stones iyo Nicolas Otamendi.