Home / Cayaaro / Man City oo hoggaanka u heysa doonista laacib u ciyaara kooxda Lyon

Man City oo hoggaanka u heysa doonista laacib u ciyaara kooxda Lyon

Himilo FM –Manchester City ayaa ugu cadcad inay la soo saxiixato ciyaaryahanka khadka dhexe ee kooxda Lyon Tanguy Ndombele xagaagan, sida ay ku waramayaan warbixinnada.

Manchester City ayaa lagu soo waramayaa inay ugu cadcadahay saxiixa ciyaaryahanka khadka dhexe ee kooxda Lyon Tanguy Ndombele xagaagaan.

Ndombele ayaa ku biiray Lyon heshiis joogta ah oo uu kaga yimid Amiens sannadkii hore isagoo wax qabad badan soo bandhigay intii uu ammaahda ku joogay  kooxda ku ciyaarta garoonka  Groupama Stadium.

22 jirkan ayaa labo gool iyo lix caawin sameeyay kaddib markii uu ka soo muuqday 37 kulan tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan, waxaana la rumeysan yahay inay xiiseenayaan kooxo dhowr ah xiddiga reer France.

Tottenham, Manchester United iyo Juventus ayaa dhamaantood lala xiriirinayay xagaaga laakiin sida laga soo xigtay The Express, City ayaa ku jirta safka hore si ay beddel uga dhigto qaarowga  Fernandinho.

Laacibkan Ndombele ayaa lagu qiimeeyaa  £ 50 oo gini oo ay kula saxiixan karto cid waliba oo daneynaysa xiddigan.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan