Home / Cayaaro / Man City oo la soo wareegeysa Samuel Umtiti

Man City oo la soo wareegeysa Samuel Umtiti

Himilo- Manchester City ayaa lagu soo waramayaa inay ku dhowdahay inay heshiis la gaarto daafaca Barcelona Samuel Umtiti.

Kooxda heysata horyaalnimada Premier League ayaa wali heysata dhibaatooyin daafaca iyadoo maqnaanshaha Aymeric Laporte uu sabab u yahay dhaawac jilibka ah oo si weyn u dhibaya kooxda.

Xiddiga qadka dhexe Fernandinho ayaa lagu riixay inuu ka garab ciyaaro John Stones daafaca dhexe, halka Nicolas Otamendi uu ku dhibtooday inuu soo jiito markii loogu yeeray inkastoo uu gool ka dhaliyay Manchester United isbuucii hore.

City, Chelsea iyo United ayaa dhamaantood laga fikirayay inay ka fiirsadaan inay u dhaqaaqaan Umtiti, kaasoo aan dooqiisa koowaad aheyn Barca marka loo eego joogitaanka Clement Lenglet.

Sida laga soo xigtay ‘L’Equipe, City waxay u taagan tahay inay soo xerogeliso ku guuleystaha Koobka Adduunka 2018 heshiis dhan 46 milyan ginni, kaasoo dhici kara marka uu furmo suuqa kala iibsiga Janaayo.

Umtiti, oo ku dhibtooday inuu ka soo kabto dhibaato jilibka ka haysata, ayaa waligiisxulasho ka ahaa Barcelona intii lagu jiray labadii xilli ciyaareed ee u horreeyay ee kooxda ,laakiin tan iyo markii uu lumiyay doorkiisii ​​ayuu ka baxay qooda  koobaad.

City ayaa haatan 14 dhibcood ka dambeysa hogaamiyaasha horyaalka Premier League ee Liverpool .

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan