Home / Cayaaro / Man City oo loo caleemasaaray Boqorrada Europe

Man City oo loo caleemasaaray Boqorrada Europe

Kooxda Kubadda Cagta ee Man City ayaa loo caleemasaaray boqorrada Europe markii ugu horreysay Taariikhda Kooxdaas.

Xalay waxaa ay 1-0 uga badisay Inter Milan iyada oo ku guuleysatay Horyaalka Kooxaha Europe ee UEFA Champions League.

City waxaa ay horay ugu guuleystay Horyaalka Ingiriiska iyo FA-ga England,waxaanay sidaas ku noqotay kooxdii labaad ee Taariikhda saddexdaas Koob isku qaadda,waxa sidaas horay u sameeyay Manchester United oo ay isku Magaalo ka dhisanyihiin.

Afartii sano ee ugu dambeysay Champions League laguma kala qaadin gool kulaad, ama natiijo ka badan 1-0 taas oo ka dhigan in tartanku adkaaday inta badanna isu soo harayeen kooxo xoog weyn  ah.

Taariikho kala duwan ayaa laga diiwaangeliyay tartanka ay qaadday Man City iyada oo noqoneysa Kooxdii ugu dambeysay ee ku cusub qaadidda Horyaalka kana socota England.

England waxaa Koobkan horay u qaadday Liverpool oo 6 jeer heysata,Man United oo 3 jeer heysata, Chelsea iyo Forest oo laba jeer heysta, Aston Villa iyo Man City oo min hal jeer heysta.

About Himilo Radio

error: Copy lama Ogola Fadlan