Kooxda kubadda Cagta England ee Manchester City ayaa ku guuleysatay horyaalka Premier league ka hor inta uusan dhamaan.
City ayaa xalay u dabaaldegtay koobka kaddib guul darradii Arsenal ka soo gaartay Forest kulan aad isha loogu wada hayay.
Arsenal ayaa noqotay kooxdii ugu horreeysay ee wax ka badan 200 oo maalmood hoggaanka horyaalka heysay ee aan ku guuleysan.
City waxaa ay caawa la ciyaareysaa Chelsea ciyaar iska baashaal ah maaddaama ay hanatay horyaalka iyada oo ay u dhimanyihiin saddex kulan.
Manchester City waxaa kale oo ay taagantahay kama dambeysta Tartamada FA Cup iyo Cahmpions League,waxaana ay la ciyaari doontaa Kooxaha Manchester United iyo Inter Milan.