Home / Cayaaro / Man City oo qorsheyneysa u dhaqaaqida daafac biddix oo Leicester City ah

Man City oo qorsheyneysa u dhaqaaqida daafac biddix oo Leicester City ah

Himilo- Manchester City ayaa isku deyi doonto inay heshiis la gasho Leicester City oo ku aadan saxiixa daafaca bidix Ben Chilwell xagaaga soo socda.

22-jirkan ayaa 36 kulan u saftay Leicester Premier League xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay wuxuuna isku muujiyay inuu yahay dooqa koowaad ee Gareth Southgate ee England.

Dhanka kale, Pep Guardiola, ayaa doonaya inuu maalgashi ku sameeyo daafaca bidix iyadoo ay jirto jahwareer sii kordheysa oo ku saabsan Benjamin Mendy, kaasoo helitaankiisu uu kala daadsanaa tan iyo markii uu ku soo biiray kooxda 2017.

Sida laga soo xigtay 90min, kooxda difaacaneysa Premier League ayaa Chilwell u tilmaamtay bartilmaameedkooda ugu fiican marka suuqa kala iibsiga xagaaga uu furmo June.

Mendy ayaa seegay labadii kulan ee ugu danbeysay ee City, iyadoo Guardiola bedelkiisa lagu bedelay Angelino, xilli walaac laga qabo habdhaqanka ninka  reer France.

Kooxda heysata horyaalnimada Premier League ayaa wajaheysa tartan loogu jiro Chilwell oo kaga imanaya kooxda Chelsea, kaasoo lagu soo waramayo inay ku doonayaan  70 milyan ginni.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan