Home / Cayaaro / Man City oo u furan iibka Fabian Delph

Man City oo u furan iibka Fabian Delph

Himilo -Manchester City ayaa diyaar u ah inay dhageysato dalabyada qadka dhexe ee Fabian Delph xagaagaan.

29 jirkan ayaa afar xilli ciyaareed ku qaatay garoonka Etihad Stadium, isagoo 89 kulan u saftay tartamada oo dhan sababo dhaawac awgiis.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee xulka England  Delph ayaa ilaashanaya booskiisa  Gareth Southgate ee safka England ilaa haatan laakiin waa la badali karaa ka hor  Euro 2020-ka qaasatan hadii uu muujin waayo xirfadiisa kooxeed.

Si kastaba ha ahaatee, Daily Mail ayaa sheegeysa in City ay aqbali doonto dalabka  ciyaaryahanka ka hor xilli ciyaareedka cusub, kaasoo hal sanno uu ka haray qandaraaskiisa.

Imaanshaha  Rodri iyo Oleksandr Zinchenko oo qandaraas cusub u saxiixaya ayaa laga yaabaa inay ku qasabto in uu baxo Delph iyagoo ku tartamaya booska line-upka.

Galatasaray ayaa lagu soo waramayaa inay xiiso u qabto saxiixa Delph, halka kooxo badan oo Premier League ah ay u badan tahay inay City ka dalbadaan xiddigii hore ee Leeds United iyo Aston Villa.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan