Home / Cayaaro / Man United iyo Adidas oo galay heshiis ku kacaya £900m

Man United iyo Adidas oo galay heshiis ku kacaya £900m

Kooxda Kubadda Cagta Manchester United iyo Sharikadda dharka iyo kabaha Ciyaaraha ee Adidas ayaa galay heshiis kordhin cusub oo ay Kooxdu ku xayeysiineyso Magaca Sharikadda.

Sida ku cad heshiiskan ayaa la kordhiyay muddo toban sano ah oo ku eg sanada 2035,maaddaama heshiiska ay hadda ku jiraan ku egyahay 2025ka,waxaana labada dhinac wada oggolaadeen dhaqangalka heshiiska halka qarashka ay heleyso United lagu sheegay £900m.

Madaxa fulinta Man United Richard Arnold. ayaa heshiiska ku tilmaamay mid taariikhi ah oo ay kala saxiixdeen sharikadda Reer Germany ee sameysa Maaliyadaha Ciyaaraha iyo Kooxda Englabnd ka dhisan ee ee Man United.

Chelsea oo iyaduna ka dhisan England ayaa 2017kii Sharikadfda Dharka iyo Kabaha Nike la saxiixatay heshiis 15 sano ahaa oo ka soo billaabanayay xilligaas.

About Himilo Radio

error: Copy lama Ogola Fadlan