Home / Cayaaro / Man United iyo Arsenal oo bartilmaameedsanaya ‘Francisco Trincao’

Man United iyo Arsenal oo bartilmaameedsanaya ‘Francisco Trincao’

Himilo FM –Weeraryahanka heerka caalami ee Braga Francisco Trincao ayaa sheegay in kooxaha Wolverhampton Wanderers, Arsenal iyo Manchester United ay doonayaan inay lasoo saxiixdaan xagaagaan.

Trincao oo 19 jir ah ayaa labo kulan oo horyaalka ah u saftay kooxdiisa xilli ciyaareedkan, laakiin inta ugu badan waxa uu u ciyaaraa kooxda labaad  Braga B.

Weeraryahankan ayaa heysta rikoorkii cajiibka ahaa ee gooldhalinta xulka Portugal ee da’dooda ka hooseyso 19 jirrada isla markaana waxa uu dhaliyay 11 gool 16 kulan oo uu saftay.

Trincao ayaa ku adkeysanaya in uu qabto shaqadiisa, wuxuuna sii wadi doonaa in uu kooxda Braga wax badan kula guuleysto.

“ Waxaan qabanayaa shaqadeyda,” Trincao ayaa u sheegay Mais Futebol.

“Haddii dadku ay qadarinayaan ama aysan aheyn, aniga ma ahan in aan faallo ka bixiyo, haatan waxaan la joogaa Sporting Braga waana ku dadaali doonaa kooxda .”

Barbaarkan  oo qandaraaska uu kula jiro Braga uu dhacayo xagaaga 2023, ayaa ka ciyaara booska weerarka dhexe waana mid kamid ah xiddigaha mustaqlabka ku leh kubadda cagta.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan